Waddani oo ku eedeeyey dawladda "fadeexad musuq maasuq iyo tuugo"

0
Monday February 12, 2018 - 13:49:03 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani oo ku eedeeyey dawladda "fadeexad musuq maasuq iyo tuugo"

    Hargeysa- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ah gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa ku eedeeyey dawladda "musuq maasuq iyo tuugo,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir: Sacad Cali Shire, Wasiirka Arimaha Debedda
Hargeysa- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ah gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa ku eedeeyey dawladda "musuq maasuq iyo tuugo,"


Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda Maalgashiga Somaliland ee wasiirka arimaha debedda iyo safiirka Somaliland ee Imaaaraadka Carabtu ay ka sameeyeen Imaaraadka ay tahay "weel, haan ama dhiil loogu talo galay in lagu boobo hantida umadda.”

Cirro wuxuu ku eedeeyey wasiirka arimaha debedda Dr Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil oo Somaliland wakiil uga ah Imaaraadka inay is casilaan.

Wuxuu ku tilmaamay abuurista shirkadda "fadeexad.”

Warsaxaafadeed uu tobadaadkan soo saaray safiirka Somaliland u jooga Imaaraadka ayuu ku sheegay in laga diiwaangeliyay dalka Imaaraadka Shirkadda Maalgashiga Somaliland oo ay agaasimayaal ka yihiin isaga iyo wasiirka arimaha debeddda, Sacad Cali Shire.

Wuxuu sheegay inay ka caawin doonto shirkaddu in Somaliland maalgashi soo jiidato.

Haseyeeshee agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga aya labaduba sheegay inaanay wax war ah ka hayn shirkadaas.

Wasaaradda maaliyadda lafteeda ayaan war hore ka hayn sida uu sheegay wasiir Sacad Cali Shire.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip