Xogo la xidhiidha khilaafka Waddani oo soo baxaya

0
Saturday April 14, 2018 - 14:36:20 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo la xidhiidha khilaafka Waddani oo soo baxaya

    Hargeysa- Hadal maanta ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa lagu sheegay in gudida fulintu ay xilkii ka qaadeen xoghayahe guud ee xisbigaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa- Hadal maanta ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa lagu sheegay in gudida fulintu ay xilkii ka qaadeen xoghayahe guud ee xisbigaas.


Weli wax jawaab ah kama bixin xoghayuhu xil ka qaadista la sheegay.

Balse Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ka mid ahaa aasaasayaashii Waddani ayaa shalay u sheegay warbaahinta in gudoomiyaha xisbigu uu ku jiro hawlo sharci darro ah.

Uurcadde wuxuu hore u sheegay in gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu ka codsaday inuu xilka xoghayenimo iska wareejiyo.

Arinkaas oo uu diiday. Uurcadde wuxuu sheegay inuu xilka haynayo inta la gaadhayo shirwaynaha xisbiga oo ku beegan April 2019.

Sida ilo xog ogaal ahi sheegeen muranku wuxuu ku salaysan yahay isku day uu doonayo gudoomiyaha xisbigu inuu ka dhigo xoghaya guud ee Waddani xubin ka soo jeedda Koonfurta Hargeysa. Taas oo la filayo inay ku xigto inuu gudoomiyenimadana ku wareejiyo Cabdiqaadir Jirde.

Dadaalkan ayaa dad ka tirsan Waddani oo la hadlay Somaliland Daily iyaga oo aan rabin in magacooda la sheego ay ku sheegeen in looga dan leeyahay in lagu dhayo nabarada uu u gaystay xisbiga guuldaradii 13 November 2017.

Haseyeeshee, khilaafkan cusub ayaan dan u ahayn xisbiga oo dhowaan sheegay inaanu kalsooni ku qabin Gudida Qaran ee Doorashooyinka oo qaban qaabinayo doorashooyinka golayaasha deegaanada iyo Wakiilada oo u mudaysan March 2019.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip