Madaxweyne Biixi hambalyo iyo talo soo jeedin

Monday December 18, 2017 - 22:14:41
By Raaqiya Aadan - Marka hore hambalyo madaxwayne. Waa guul in shacabka Somaliland kugu aamineen kursiga madaxwaynenimo.


Waan hubaa inaad ka soo bixi kartid xilka wayn ee kaa saaran in dalku gaadho ictiraafka uu hiigsanayo.

Waxaan su’aal ka jirin kartida iyo hufnaantaada. Waxa jira duruufo adag oo gudaha iyo debedda ah kuwaas oo u baahan hawl wayn si looga baxo. Arimahaas oo ay daruuri tahay in laga yeesho siyaasad adag.

Dhalinyarada Somaliland waxaay la daala dhacaysaa shaqo la’aan wayn. Waxaana dawladda hortaal inay samayso shaqo abuur si ay uga joogsadaan tahriibka iyo halistaha kale ay u nuglaan karaan.

Sidoo kale waxa jirta dhib wayn oo aan la iska indho tirin karin oo ah cabudhinta iyo cago juglaynta loo gaysto warbaahinta iyo suxufiyiinta.

Arintaasina aynu baahan tahay wax ka qabad loona maro si sharciga wadanka u yaala uu qabo. Madaxweyne waxaa haboonaan laheyd habka hada loola macaamilo dadka bulshada ka dhex muuqda in lagu maxkamadeeyo oo kaliya marka ay ku gafaan ama ku xadgudbaan sharciga u yaal Dowlada si looga dheeraado in lagu mashquulo howl aan u baahneyn in waqti intaa leeg in laggu bixiyo loona cabudhin xoriyatul qawlka iyo saxaafada xorta ah waxaana lagaa filayaa Madaxweyne in siyaasad tii hore ka duwan aad arinkan lala imaan doonto.

Gunaanadkii Madaxweyne waxaan mar kale kuugu hanbalyeynayaa guusha aad ka gaadhay doorashada Soomaaliland waxaana hubaa in shacabka midkii kuu codeeyey iyo kaan kuu codeynba ay kuu siman yihiin aadna u tahay Madaxweynahooda. Waana sababta aad xilka isugu soo taagtay in aad ku hogaamiso si isku duubni ah.

Raaqiya Aadan 

The Netherlands