Indoonisiya oo ah dalka ugu dadka badan dunida ayay isugu soo baxeen kumanaan dad ah oo ka cadhaysan madaxwaynaha Maraykanka oo u aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israaiil.
Qudusta Bari ayaa Israaiil xoog ku haystaa.
Ma jiro dal kale oo u yaqaan Qudus inay tahay caasimadda Israaiil.
Ururka Iskaashiga Islaamka oo dhowaan ku kulmay Istanbuul, dalka Turkiga ayaa canbaareeyey go’aanka Donald Trump, madaxwayanaha Maraykanka.
Bakistaan iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka kale ee mudaharaadyadu ka dhaceen.
Mudaharaadyo ayaa ka dhacay dunida Muslimka
Hargeysa-Wadamo badan oo Muslim ah ayaa maanta oo jimce ah ay ka dhaceen mudaharaadyo lagaga soo horjeeda go'aanka Maraykanku ka qaatay Qudus.