Axmed Siciid oo ka tirsan Eryal TV ayaa lagu xidhay Berbera. Axmed lama cadayn sababta loo xidhay. Waxa se gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanku uu sheegay in loo xidhay codsi ka yimi maayarka Berbera oo dhibsaday warar uu baahiyay suxufigu, sida la sheegay.
Cabdirisaaq Dayib Cali ayaa isna ilaa 6 dii December ku xidhan Gabiley kadib markii Mayarka Gabiley uu ku qabsaday waraysi lagu qoray shabakad warar. Cabdirsisaaq ayaa sheegay inaanu isagu qorin wararkaas oo aanu ka tirsanayn shabakadaas, sidaa waxa doraad ku sheegtay warsxafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanka.
Sidoo kale waxa tan iyo 16kii September xidhnaa Maxamed Adan Dirir oo lagu xukumay sanad iyo badh iyada oo ay maxkamaddu sheegtay inay ku heshay warar been abuur ah iyo cay la xidhiidha warar laga qoray dugsiga Noradin ee gaarka loo leeyahay.
Isku gaynta suxufiyiinta maanta xabsiyada ku jira ayaa ah sadex.
Suxufiyiin lagu xidhay Somaliland
Hargeisa- Sadex suxufi ayaa ku xidhan Somaliland, sidaas waxa sheegtay Xarunta Xuquuqal Insaanka.