Cyril Ramaphosa wuxuu codka ka helay Dlamini-Zuma oo ahaa gudoomiyihii hor ee Midowga Afrika, hore na u ahayd xaaska madaxwaynaha hada xilka haya ee Zuma.
Ramaphosa ayaa ku guulaystay tartankan oo ahaa mid aad la isugu dhowaa si wayna u kala qaybiyay xisbiga ANC oo talada dalkaas hayay tan iyo markii cadaanka tirada yari ay joojiyeen midab takoorkii.
Ramaphosa waxa taageersan ganacsatada dalkaas halka Dlamini-Zuma ay taageero badan ka heshay dadka danyarta ah.
Ramaphosa wuxu helay 2,440 cod. Dlamini-Zuma's waxaay heshay 2,261.
Ergooyin xisbiga ka tirsan ayaa codaynayay.
Xisbiga xukuma Koonfur Afrika oo doortay hogaamiye cusub
Hargeysa- Cyril Ramaphosa, madaxwayne xigeenka Koonfur Afrika, ayaa loo doortay hogaamiyaha cusub ee xisbiga dalkaas ka taliya ee ANC.