Madaxwaynaha ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada 14 kii December, balse qaybo muhiim ah oo dawladda ayaan weli la magacaabin.
Agaasimayasha guud, madaxda hay’adaha iyo badhasaabadda ayaan weli la magacaabin. Taasna waxay gaabis ku keentay shaqadooda.
"Sharcigu kuma qasbayo inuu magacaabo,” ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama oo ah qareen ka hawlagala Somaliland oo aanu arinkaas wax ka waydiinay.
"Balse dhaqan bay noqotay. Markaa qof waliba wadnuhu farta ku hayaa oo ma hubo in la eryayo iyo inuu sii joogayo. Dawladnimadii ayaa gaabinaysa,” ayuu ku daray.
Lama oga xiliga uu dhamaystiri doono dawladiisa iyo cidda soo noqon doonta midna.
Somaliland: Madaxwaynaha cusub oo aan weli dhamaystirin dawladiisa
Hargeysa- Muuse Biixi Cabdi, madaxwaynaha cusub ee Somaliland oo la dhaariyay 13 December ayaan weli magacaabin jagooyin muhiim ah.