Cirro oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ka qayb galay doorashadii madaxwayne ee dhacday 13 November ee sanadkan ayaa marar badan sheegay in laga boobay doorashada oo aanu ku qancin.
Haseyeeshee wuu aqbalay isaga oo ku dooday inuu u tanaasulay Somaliland.
Waxa gudoomiye Cirro la socday saraakil sare oo ka tirsan xisbigiisa.
Lama faah faahin waxa ay ka wada hadleen labada hogaamiye.
Madaxwayne Biixi oo la kulmay hogaamiyaha mucaaradka
Hargeysa- Muuse Biixi Cabdi, madaxwaynaha Somaliland, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Cabdiraxmaan Cirro oo uu ka helay doorashadii madaxnimo.