Wasiirada oo uu casuumaad u sameeyey wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta oo uu sodog u ahaa madaxwaynihi hore, ayaa kulankoodu u eekaaday mid ay is xulufaysi ku abuurayaan ayna ku muujinayaan cudud.
"Waxaan u arkaa shir ay ka soo urayso in khilaaf laga abuuro xisbiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Cabdixakiim Xinif oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye.
"Ma garanayo sabab ay xubno intay isku ururasadaan ay u yidhaahdaan waxaan nahay wasiiro hore,” ayuu yidhi "dalku gole wasiiro qudha ayuu leeyahay,” ayuu ku daray.
Boobe Yuusuf Ducaale oo wasiir mar ka noqday xukuumadda Siilaanyo ayaa u sheegay telefiishanka Eryal in shirkaasi qalad ahaa.
Wasiiradii hore oo la filayo inay mucaaradaan xukuumadda
Hargeysa- Shir ay yeesheen wasiiradii hore ee xukuumaddi Axmed Siilanayo ayaa shaki abuuray.