Dawladda Somaliland ayaa heshiis la gashay shirkad la yidhaahdo DP World oo maamusha dekedda Berbera iyo Ethiopia oo saami laga siiyay.
Raysal wasaaruhu wuxuu ku sheegay heshiiska mid waxyeelo u leh madax banaanida Somalia.
Dawladda Somaliland iyo mucaaradka ayaa si degdeg ah u duray hadalka Raysal Wasaaraha oo ay sheegeen inananu maamulin, gacanna ku lahayn Berbera iyo arimeheeda.
Maaha markii u horaysay ee heshiis ay Somaliland gashay ay hadal ka keentay dawladda Somalia ee fadhigeedu yaha Xamar.
Somalia oo diiday heshiis ay Somaliland gashay
Hargeysa- Raysal Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maalintii shalay ahayd ka sheegay Xamar inay dawladiisu ka soo horjeedo heshiis ku saabsan dekedda Berbera.