Mucaaradka oo ku eedeeyey madaxwaynaha cabudhin iyo khiyaamo qaran

0
Thursday April 19, 2018 - 12:55:15 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka oo ku eedeeyey madaxwaynaha cabudhin iyo khiyaamo qaran

    Hargeisa- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta eedo culus u jeediyay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta eedo culus u jeediyay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.


Shir jaraaid oo uu ku qabtay Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro wuxuu ku sheegay in madaxwaynuhu galay dembi ah khiyaano qaran oo ay markaas tahay inuu is casilo oo dadka saamaxaad waydiisto ama maamuus ka xayuubin lagu sameeyo.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyey dawlada cabudhin isaga oo is barbar dhigay dawladdii Siyaad Barre iy dawladda Muuse Biixi.

"Siyaasaddu been maaha. Shacabkaaga oo la hagar daameeyo maaha. Waxa cadaatay in shacabka Somaliland ay xukummadihi kala danbeey ee Kulmiye ay khiyaamo ku maaweelinayeen,” ayuu yidh Cirro.

"Waxa cadaatay in Kulmiye calankiisa iyo ciidiisa khiyaameeyey,” ayuu ku daray.

Dhinaca kale wuxuu eedo culus ujeediyay madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaany oo uu sheegay inay tahay in maxkamad la horkeeno.

"Siilanayo wuxuu ka tegay taariikh madow. Qarankan iyo madax banaanidiisa wuuxu u gaystay dhaawac. Waxa dhacday khiyaamo qaran. Wuxuu ku bedeshay gooni isu taagii Somaliland iyo madax bananaidiisa dhaqaale iyo dano shaqsi ah,” ayuu yidhi.

Wuxu intaas ku daray "Siilaanyo wuxuu jebiyay dastuurka. Wuxu mutaystay in maxkamad la horkeeno oo lagu qaado khiyamao qaran.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip