Madaxwaynuhu wuxuu sheegay inay u baahan yihiin sadex boqol oo milyan soo loo fuliyo qorshaha.
Wuxuu yidhi madaxwaynuhu: "Hirgelinta barnaamujkani waxa ay u baahan tahay dhaqaale, qorshaha waxbarashada ee shanta sano ee soo socotaa waxa uu u baahan yahay Saddex boqol oo milyan oo dollar, si aynu heer dhexdhexaad ah u gaadhsiinno waxbarashadeenna, wasaaradaha aan aqoonta u eegay waxa kamid ah waxbarashada, wasiirka waxbarashada oo shahaadada labaad (Master) haysta oo waayo-aragnimo 40-sano ah haysta, wasiir-ku-xigeen iyo agaasimaha oo PHD diyaarinaya. Waxa aan u dirtay oo ay ka hadlaan wasaaradda waxbarashada iyo sida ay ardaydu u wanaagsanaanayso, laakiin umaan diran reer hebel soo ururi, odayaashii iyo dadkiina u tag oo u sheekeeya oo dawladda taageera dheh.”
Wasaaradda Waxbarashada oo dhigtay qorshe 3 sandood ah
Hargeysa- Madaxwaynaha Somaliland ayaa daah furay shir lagu dejinayay qorshe sadex sanadood ah oo ay yeelato waxbarashadu.