Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Somalia iyo Kenya

0
Sunday February 17, 2019 - 14:55:41 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Somalia iyo Kenya

    Kenya ayaa maalintii shalay ahayd, Sabti, eriday safiirkii Somalia ee u joogay Nairobi, dibna ugu yeedhatay dhigiisii fadhiyay Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya ayaa maalintii shalay ahayd, Sabti, eriday safiirkii Somalia ee u joogay Nairobi, dibna ugu yeedhatay dhigiisii fadhiyay Xamar.


Kenya waxay ku eedaysay Somalia inay iibisay ceelal shidaal oo ay Kenya leedahay.

Muranka ku saabsan lahaanshaha dhul biyood ku yaal xadka labada dal oo la aamisan yahay inuu shidaal badan leeyahay wuxu horyaal oo ka garnaqaysa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Labada dal ba waxaay sheeganayaan lahaanshaha dhulkaas.

Somalia waxaay 8dii bishan ku qabatay London shir ay sheegty inay ku soo bandhigayso khayraadka shidaal ee dalkeeda.

Kenya waxay aaminsan tahay in dhulka lagu muransan yahay ay ka mid tahay meelaha la soo bandhigay.

Somalia ilaa hada wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin go’aanka Kenya. Waxaa se wararku sheegayaan in shir degdeg ahi hada uga socdo madaxtooyada madaxda sare ee Somalia.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip