Madaxwaynaha cusub oo magacaabay Gole Wasiiro

0
Sunday December 17, 2017 - 20:23:19 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha cusub oo magacaabay Gole Wasiiro

    Hargeysa-Muuse Biixi Cabdi, madaxwaynaha cusub ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay gole wasiiro oo ka kooban 32 oo dhamaantood rag ah marka laga reebo sadex xubnood oo dumar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

The cabinet.
Hargeysa-Muuse Biixi Cabdi, madaxwaynaha cusub ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay gole wasiiro oo ka kooban 32 oo dhamaantood rag ah marka laga reebo sadex xubnood oo dumar ah.

Golaha Wasiirada oo ka yar kii dawladii uu bedelay ee madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa ku jira wasiiro cusub iyo kuwo hore.

Maxamed Kaahin Axmed, gudoomiye xigeenka xisbiga Kulmiye, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha. Halka af-hayeenkii Kulmiye loo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga.

Sacad Cali Shire ayaa dib loogu magacaabay wasaaradda arimaha debedda oo uu markii hore hayay.

Wasiirada la soo celiyay ee dawladdi Siilaanyo ka tirsanaa waxa ka mid ah ah Yaasiin Fartoon oo ahaa wasiirka arimaha gudaha hadana laga dhigay wasiirka wax barashada.

Sheikh Khaliil, wasiirkii diinta iyo aw-qaafta ayaa xejistay booskiisa.

Wasiir ku xigeenkii arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa isna la soo celiyay.

Wasiirada cusub waxa ka mid ah wasiirka maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Ciise Axmed Yuusuf oo loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga.

Axmed Muumin Seed oo ahaan jiray gudoomiye xigeenkii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa laga dhigay wasiirka beeraha. Seed waxaay hore isugu dhaceen gudooomiyaha Waddani kadibna wuxuu ku biiray Kulmiye.

Golahan wasiirada waxa ku jira laba wasiir oo dumar ah oo kala ah Shurki Xaaji Bandare oo sii haysatay booskeedii wasiirka deegaanka iyo Hinda Jaamc oo loo magacaabay wasaradda shaqo abuurka iyo arimaha bulshada. Yurub ayaa iyana loo magacaabay wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip