Somaliland: "marna ma ogolaan doono in hawadayada meel kale laga maamulo."

0
Thursday December 28, 2017 - 15:09:33 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: "marna ma ogolaan doono in hawadayada meel kale laga maamulo."

    Hargeysa- Maareyaha Hay'adda Duulista Madaniga ah ee Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol, ayaa sheegay in Somalia ay hawada la wareegayso "iyada oo aan laga wada tashan lagana heshin."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa- Maareyaha Hay'adda Duulista Madaniga ah ee Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol, ayaa sheegay in Somalia ay hawada la wareegayso "iyada oo aan laga wada tashan lagana heshin."


Dawladda Somalia ayaa sheegtay in maanta lagu wareejinayo maamulka hawada oo markii ay burburtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay la wareegtay Qaramada Midoobay.

Maareeyuhu wuxuu sheegay in talaabada ay dawladda Somalia qaaday ay ku tahay xad gudub heshiiskii Istanbul ee ay wada galeen Somaliland iyo Somalia.

Wuxuu sheegay inay keeni karto "khalkhal iyo jaah wareer.”

Isaga oo ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa, wuxuu ku hanjabay in wixii ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadi doonto xukuumadda Somalia.

Ugu danbayntii wuxuu sheegay inaan Somaliland "marna ogolaan doonin in hawadeeda meel kale laga maamulo.’




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip