Xuquuqal insaanka oo canbaareeyey xadhiga suxufiyiin

0
Sunday January 07, 2018 - 16:19:53 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqal insaanka oo canbaareeyey xadhiga suxufiyiin

    Hargeysa- Xarunta Xuquuqal Insaanka oo fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa canbaaraysay xukun ku dhacay laba suxufi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa- Xarunta Xuquuqal Insaanka oo fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa canbaaraysay xukun ku dhacay laba suxufi.


Waa kan war saxafadeedkii oo dhamaystiran.

Xarunta Xuquuqal Insaanku wxaay canbaaraynaysaa xukunka la saaray laba suxufi oo kala ah Maxamed Cabdilaahi Dabshid iyo Axmed Diiriye Ciiltire.

Maxkamadda Gobolka ee fadhigeedu yahay Borama ayaa maanta ku xukunta labada suxufi midkiiba labo sano oo xadhiga ah oo ay kaga xukuntay eedo loo soo jeediyay oo ah "dacaayad ka dhan ah Qaranka, ceebayn Qaranka, iyo ceebayn calanka ama asaanta qaran ee dal shisheeye,” sida uu noo sheegay qareenka suxufiyiinta oo magaciisa la yidhaahdo Abiibakar Shiikh Maxamuud. Qareenku wuxuu sheegay inuu ka rafcaan qaadanayo xukunka.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa isna ogaysiiyay Maxkamadda inuu ka rafcaan qaadan doono, sida uu noo sheegay qareenka iyo dad goob joog ahaa.

Eedaha loo jeediyay labada suxufi waxaay xidhiidh la leeyihiin qoraal la sheegay in lagu qoray shabakadda xeegonews. Qoraalkaas oo la sheegay inay ku jirtay eed ah in lagu tabo baro maleeshiyo Itoobiyaan ah gudaha gobolka Awdal, sida ku qoran xaashida eedda. Xarunta Xuquuqal Insaanka umay suurtagelin inay aragto qoraalka lagu daabacay shabakadda.

Sida qareenku noo sheegay, Maxamed Cabdilaahi Dabshid oo ka tirsan Kalsan TV wuxuu ku dooday inaanu isagu u shaqayn oo wax ku qorin shabakadda, halka Axmed Diiriye Ciiltire uu sheegay inaanu isagu ahayn ka ku qoray qoraalka la isku haysto shabakadda.

Sadex suxufi oo kale ayay dacwadi kaga socotaa magaalooyinka Berbera iyo Gabiley.

"Aad baanu uga walaacsanahay dacwadaha sii badanaya ee lagu soo oogayo suxufiyinta. Xaruntu hore umay arag tiro intan leeg oo suxufiyiin xukuman ah. Sadex suxufi ayaa hada xabsi ku jira,” ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Wuxuu ku daray "Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu way cad yihiin. Looma ogola masuuliyiintu inay u isticmaalaan xeer ciqaabeed warbaahinta. Suxufinimadu dembi maaha. Waxaanu ka codsanaynaa dawladda Somaliland inay sii dayso suxufiyiintaas oo ay joojiso falalka ka dhanka ah suxufiyinta.”

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip