Reer Somaliland oo ka cadhooday Jibuuti

0
Saturday March 03, 2018 - 21:09:32 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Somaliland oo ka cadhooday Jibuuti

    Hargeisa- Dadka reer Somaliland ayaa dareen cadho leh ka muujiyay qoraal la sheegay inuu barta Twitter ka soo dhigay wasiirka arimaha debedda ee Jibuuti, Mahamoud Ali Youssouf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir: Wasiirka Arimaha Debedda Jibuuti
Hargeisa- Dadka reer Somaliland ayaa dareen cadho leh ka muujiyay qoraal la sheegay inuu barta Twitter ka soo dhigay wasiirka arimaha debedda ee Jibuuti, Mahamoud Ali Youssouf.


Wasiirku wuxuu sheegay in Dawladda Federaalka ah ee Somalia ay qaadacday heshiis dhexmaray Somaliland iyo DP World iyo Ethiopia.

Wasiirku wuxuu ka hadlayay heshiis sadex geesood ah oo ay wada galeen Somaliland iyo DP World iyo Ethiopia. Kaas oo la sheegay in Ethiopia ay heshay saami dhan 19% oo ay ku yeelatay dekedda Berbera halka Somaliland ay heshay 30, DP World oo ah shirkadda gacanta ku haysa oo Imaaraadku leeyahayna 51%.

Cadhada baraha bulshada qabsatay ayaa ah miday u dhan yihiin mucaarad iyo muxaafad ba.

Waxaay ku tilmaameen qaarkood hadalka wasiirka faro gelin iyo inuu cadow la soo saftay. Qaar kale waaxay ku doodeen in Jibuuti ka xun tahay horumarka Somaliland.

Haseyeeshee Dawladda Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin

Somaliland Daily ma xaqiijin karto runimada barta Twitter ka ee loo aaneeyey wasiirka. Ilaa hada may beenin Jibuuti jiritaanka bartaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip