Qof ma la xidhi karaa?

0
Sunday April 01, 2018 - 19:22:18 in Maqaallo
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof ma la xidhi karaa?

    Laga yaabee inaad bilawga ga la yaabtid cinwaanka qoraalkan. Haseyeeshee, waxaan jecelahay inaan isku dayo inaan si kooban u fahamsiiyo qofka aan ahayn qareen, sababta qof loo xidhi karo, cidda xidhi karta iyo hanaanka loo xidhi karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laga yaabee inaad bilawga ga la yaabtid cinwaanka qoraalkan. Haseyeeshee, waxaan jecelahay inaan isku dayo inaan si kooban u fahamsiiyo qofka aan ahayn qareen, sababta qof loo xidhi karo, cidda xidhi karta iyo hanaanka loo xidhi karo.


Arimahaas oo aad fahantaa waxaay wax wayn ka tari karaan inaad doonatid xaqaaga iyo inaad is garab taagtid qof dulman.

Xorriyadda (liberty)

Qofku wuxuu dhashaa isaga oo aan xidhnayn oo xor ah. Xaq aasaasi ah oo aan la qaadi karin ayuu qofku u leeyahay inaanu xabsi gelin. Sadexda xaq ee aadanuhu mudo dheer yiqiin, dad badanina aaminsan yahay inay ka dheegemeen xuquuqaha kale ayuu ka mid yahay. Kuwaas oo kala ah:

1. Xaqa nolosha:diimaha oo dhan iyo aragtiyaha dadku way isku raacsan yihiin inaan qofna xaq darro loo dili karin. Diinta Islaamku aad bay u adkaysay. Wuxuu Eebe ku sheegay Quraanka in qofka qof dilaa uu la mid yahay inuu aadanaha oo dhan dilay.

Qodobka 24(1) ee Dastuurku wuxuu sheegayaa:

Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2. Xaqa hanti-yeelashada: in qofku hanti yeesho oo loo nabad geliyo hantidiisa iyo tasarufaadka la xidhiidha waa xaq aasaasi ah. Qodobka 31aad ee Dastuurku wuxuu sheegayaa:

Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.

3. Xorriyada qofka:inaan qof la xidhi karin oo aan xabsi la gelin karin oo aadanuhu dhashay isaga oo xor ah, waa xuquuq aasaasi ah. Diinta Islaamka meelna kama soo gasho in qof la xidho. Waa dhaqan aadanuhu bartay oo ay noloshu u keentay.

Xorriyadda inaan qof la xidhin waa asal (principle). Markaa in la xidhaa waa wax ka soo hadhay (exceptional). Sidaasdarteed, waa mamnuuc in qof laga qaado xorriyadiisa, hadii aanay jirin sababaha sharci islamarkaana aan loo marin hanaanka ama marinka sharci. Waxaan jecelahay inaan carabka ku adkeeyo in xorriyadda (inaan lagu xidhin) ay tahay midka asalka ah ee ay tahay in la ilaaliyo.

Qodobka 25(1) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa "qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.”

Waa side qaabka aan xeerka waafaqsanayn? Waxa sheegtay farqadda 2aad ee isla qodobkaas oo leh "ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.”

Qodobkani laba shardi ayuu dhigay in la helo ka hor intaan qof la xidhin, la baadhin ama la xayirin:

1.Inuu dembi faraha kula jiro: tusaale ahaan qofkii oo qof dilaya; ama lacag boobaya iwm. Waa qofkii oo faraha kula jira markaas dembiga (red handed). In tan la helaa way adag tahay sababta oo ah inta badan aadanuhu dembi kuma galo meel booliis ka dhow yahay ama booliiska oo arka ma galo. Waa doqonimo aan dembiilayaashu ku dhicin badiyaa.

2.In garsoore awood u leh uu soo saaray amar qabsho oo sababaysan. Hada eeg, marka hore waa in garsooruhu awood u leeyahay oo uu yahay mid sharci ahaan qaadi kara dacwadan. Sidoo kale waa inuu ku sheegaa sabab cad waxa uu qofka u xidhayo. Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu sii waajibiyaa in cidda amarka garsooraha fulinaysaa ay u akhrido qofka la xidhayo amarka garsooraha.

Labadan sababood ee aadka u adag waxa sharcigu u dhigay si aan qofka ciyaar ciyaar looga qaadin xorriyadda u Ilaahay siiyay.

Dastuurku intaas kagama uu hadhin ee wuxuu sheegay in ciqaabi ka dhalan karto hadii qof loo xidho sifo ka soo horjeedda mida ku dhigan qodobka aynu sare ku xusanay. Farqadda 3aad ee qodobka 25aad ee Dasturka wuxuu u dhigan yahay sidan: "Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.”

Maxaa dembi ah

Sababta qofka loo xidhayaa waa in lagu haysto inuu galay dembi. Marka garsooraha lagu qanciyo inay jirto cadayn ku filan oo muuijnaysa in qofkaasi dembi galay, ayuu soo saaraa amarka qabashada si loo xidho oo uu u wajaho caddaaladda. Hadaba maxaa dembi ah? Ma waxa masuulku u arko dembi? Ma waxa ay garsooraha ula muuqato dembi? Jawaabta su’aalaha waxa ka jawaabay qodobka 26(1) ee Dastuurka Somaliland oo leh:

Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

Mabada’ ku dhigan qodobkan waa rukun ka mid ah arkaanta uu ku taagan yahay xeerka ciqaabtu. Dembigu waa inuu yahay mid ku qoran xeer hore loo sameeyey oo qofku og yahay inuu dembi yahay. Xeerkaas oo uu sameeyey baarlamaanku sida ku cad qodobada 37 iyo 38aad ee Dastuurka.

Dhaqankii Siyaad Barre

Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee ciidanka ahayd qasab iyo qori caaradii ayay dadlka ku qabsatay. Sidaasdarteed si ay qof u xidho, u baadho, u xayirto ama wax kale ugu samayso umay baahnayn inay sharci u marto. Dalkuba dastuur ma lahayn. Taasi waxaay abuurtay dhaqan qalafsan oo dad badani ka barteen. Waxa kolkaas la mooday in shaadhka aad xidhan tahay noociisa ama jagada aad ku fadhidaa ay ku filan tahay inaad cid xidhi karto. Waa ta keentay in la isugu hanjabo waan ku xidhayaa.

Halkaas waxa ka muuqda kala duruga iyo is diidka dhaqankii Siyaad Barre iyo dastuurka umad aan xoog lagu haysan

Dacwad ciqaab ah iyo dacwad madani ah

Arin kale oo u baahan in la isla fahmaa wuxuu yahay kala duwananashaha fal celinta laga sameeyo qaladka dadku sameeyo. Qalad kasta oo qofku sameeyo ma keeno xadhig. Tusaale ahaan hadii mid dayn kaa qaato oo dabadeed ku meermeeriyo oo aad ka soo saari waydo xoogaagii aad ku lahayd, sharcigu kuu xidhi maayo ee wadooyin madani ah oo aad waxaaga ku heli karto ayuu abuuray. Waxa la mid ah hadii heshiis lagaaga baxo, hadii lagu caayo ama si uun sharaftaada meel looga dhaco. Intaba waxa jira hanaan aad ku ilaashan kartid ama ku doonan kartid xaqaaga ama kaga goosan kartid qofka ku dhibay, adiga oo aan xidhin. Dhamaantood waa habab madani ah.

Ciqaabtu way ka duwan tahay. Ciqaabtu waa wax uu si cad dembi uga dhigay xeerka dalku isaga oo daba dhigay ciqaabtiisa.

Gebo-gebo

Inaan lagu xidhin oo aad xorriyadaada suuqa ku marto waa xaq aasaasi ah oo ay tahay in la ilaaliyo. Hadii xorriyadda lagaa qaadayo waa in lagaaga qaado sifada ku cad dastuurka ee aynu sare ku xusnay. Hadii taas laga baydho cidda ku xidhatay ayaa ku geftay sharciga oo ay tahay in ciqaabo.

Guleid Ahmed Jama

Hargeisa Somaliland

Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland.

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip