Laba jilaa ayaa loogu xidhay Laascaanood riwaayad ay meteleen darteed

0
Saturday April 07, 2018 - 10:04:11 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba jilaa ayaa loogu xidhay Laascaanood riwaayad ay meteleen darteed

    Hargeisa- Xarunta Xuquuqal Insaanku war-saxaafadeed ay soo saartay waxaay ku baaqday in la sii daayo laba jilaa oo ku xidhan magaalada Laascaanood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa- Xarunta Xuquuqal Insaanku war-saxaafadeed ay soo saartay waxaay ku baaqday in la sii daayo laba jilaa oo ku xidhan magaalada Laascaanood.


War-saxaafadeedka oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:

Iimaan Maxamed Jaamac iyo Cabdisamad Siciid Cali waxa lagu xidhay Laascaanood 29 March iyada oo lagu haysto riwaayad ay ka jileen dawladaha hoose, sida ay sheegeen ilo la hadlay Xarunta oo ay ka mid yihiin maamulka degmada.

Maamulka degmadu wuxuu ku eedeeyey labada jilaa inay dhigeen riwaayad af-lagaado ku ah maamulka.

Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa "muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.”

Xadhiga labada jilaa wuxuu ka soo horjeedaa dastuurka Somaliland,

Xarunta Xuquuqal Insaanku aad ayay uga walaacsan tahay xadhiga caynkan oo kale ah oo ah mid lagu aamusiinayo hal abuurka iyo fekerka dadka.

Xaruntu waxaay ka codsanaysaa dawladda dhexe inay qaado talaabooyin lagu xaqiijinayo inay xoriyadooda helaan labadaas jilaa.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip