Doorashooyinkii oo u muuqda inay dib u dhacayaan

0
Thursday September 06, 2018 - 15:40:51 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinkii oo u muuqda inay dib u dhacayaan

    Hargeysa- Doorasho isa saaran oo Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ah ayaa mudaysan March 2019.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa- Doorasho isa saaran oo Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ah ayaa mudaysan March 2019.


Madaxwaynaha ayaa hore u balan qaaday inuu xiligeeda ku qabanayo doorashada. Waxaad se moodaa inaanay suurtagal ahayn.

Golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanada labaduba waa mudo dhaaf.

Caqabadaha jira waxa ka mid ah Xisbiga Waddani oo ku baaqay in la eryo xubnaha Gudida Doorashoooyinka. Taas oo aanu ka aqbalin madaxwaynuhu.

Xeer cusub oo isku keenay dhamaan xeerarka doorashooyinka ayaa golaha wasiiradu u gudbiyeen Golaha Wakiilada. Balse ilaa hada lama horkeenin si looga dodo.

Xeerku waa mid arimo la isku khilaafsan yahay ay ku jiraan.

Waa marka hore e waa inuu ka go’aan gaadho saamig qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.

Waa marka labaad e waxa ku jira kooto haweenka la siiyo. Arinkaas oo ay soo dhoweeyeen dadka u dooda xuquuqal insaanka, balse uu hore u diiday Golaha Wakiiladu.

Sidoo kale intaan codaynta la gaadhin waa in la diiwaangeliyo dadka doonaya inay codeeyaan. Taasna weli lama samayn.

Dhamaan arimahaasi waxaay muujinayaan inaan doorashadu ku dhici doonin xiligeedii.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip