Siyaasiyiin miisaan leh oo taageeray Baaq Shacab

0
Saturday May 23, 2020 - 15:26:33 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 2668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin miisaan leh oo taageeray Baaq Shacab

    Hargeysa- Ololaha shacabku wado ee Baaq Shacab ayaa taageero ka helay siyaasiyiin miisaan leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa- Ololaha shacabku wado ee Baaq Shacab ayaa taageero ka helay siyaasiyiin miisaan leh.



Maalintii xuska gooni isu taagga Somaliland oo ku beegnayd 18 May 2020 ayay soo saareen dad kala jooga gobolada Somaliland oo dhami qoraal ay u bixiyeen Baaq Shacab.

Waxa taageero laxaad leh u muujiyay dadwayne faro badan oo reer Somaliland, iyada oo uu noqday mawduuca ugu xoogga wayn baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ga.

Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID, Xirsi Xaaji Cali Xasan, hogaamiyaha xisbiga Waddani iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoon yahay caan ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa siyaaalo kala duwan u taageeray.

Baaqa Shacab ee sida wayn shacabku u soo dhoweeyey waxa uu ay saxeexayaashu ugu baaqeen "dawladda Somaliland inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad.”

Baaqu wuxuu ku dooday in "Waxa marag ma-doon ah in dawladdu ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray. Dhammaan dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fursad ay ugu codeeyaan Baarlamaan metela. Waxa baahsan shaqo la’aanta, sinnaan la’aanta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka qofka.”

Taageerada hogaamiyayaasha siyaasadeed waxa ay qayb ka noqonaysaa dad faro badan oo reer Somaliland ah oo u arkay Baaqa mid nasteexo u ah dalka.

Dhinaca kale dawladda ayaan soo dhowayn Baaqa oo ay u aragtay mid dafiraya guulaha ay Somaliland gaadhay 29 sanadood ee ay jirtay, sida ay ku doodeen Wasiirka Waxbarashada iyo gudoomiyaha Hay’adda Barokacayaasha Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip