Madaxwaynaha cusub ayaa ka reebay wasaaradda madaxtooyada liiska wasaaradaha uu magacaabay. Khadra Xaaji Gaydh oo ahayd agaasimaha guud ayaa kala wareegtay Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilka wasiirnimo ka degaya.
Xaashi ayaa ahaa wasiir aad u awood badan oo ay gacanta ugu jirta awooda fulinta.
Baabiinta wasaaradda madaxtooyada ayaa ku soo kordhin doonta aqalka madaxtooyada is bedel. Waxaan la hubin in madaxwaynuhu magacaabi doono madax xafiiska madaxtooyada (chief of staff) iyo in kale. Sidoo kale ma cadda saraakiisha sare ee madaxtooyada ee uu ka mid yahay af hayeenku inay sii joogayaan iyo in la bedelayo.
Muuse Biixi oo xilka loo dhaariyay 13 ka December wuxuu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo ka kooban 32 qof 14kii December.
Somaliland: wasaaradda madaxtooyada oo meesha laga saaray
Hargeysa- Wasiirkii awoodda badnaa ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xilka wasaaradaas ku wareejiyay agaasimihiisii.