Cabdiraxmaan ayaa lagu eedeeyey inuu ku jiray falal qaranka duminaysa.
Waxa laga xidhay gurigiisa. Ma jirto warar faah faahsan oo ku saabsan xadhiga Cabdiraxmaan. Waxa se hore xeer ilaaliyaha guud uga codsaday Baarlamaanka inay xasaanadda ka qaadaan xildhibaano uu ku eedeeyey inay shisheeye u shaqeeyaan.
Xildhibaanada ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay.
Xadhigan iyo doonista maamus ka xayuubinta ayaa ku dhacday siyaasiyiin mucaarad ku ahaa madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Somalia: siyaasi caan ah oo la xidhay
Hargeysa- Dawladda Somalia ayaa xidhay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mar u tartamay madaxwaynenimo horena wasiir u noqday.