Kulanka ayay kaga hadli doonaan sidii ay u qaabayn lahaayeen qorshe ay ku shaqeeyaan iyaga oo ka duulaya barnaamij siyaasadeedka xisbiga iyo Qorshaha Qaran ee Dawladda.
Madaxwaynaha oo la hadlay ayaa u sheegay inay wasiiradu dadku u sinaadaan.
"Wasiirradan halkan fadhiyanna ninna caaqil iyo odayaal iima keenin,” ayuu yidhi madawxaynuhu.
"Hawlaha inoo yaallaa way badan yihiin waxaana aynu soo galnay olole siyaasadeed, waxaana aynu dadka u ballan qaadnay ballamo waaweyn inaga oo xisbiga Kulmiye ah,” ayuu ku daray.
"Barnaamijka xisbiga iyo qorshahahorumarinta qaranka ee labaad, waxaynu u baahanahay inaynu diyaarino boqol iyo labaatan maalmood ee ugu horreeya oo run ah,” ayuu yidhi Madaxwaye Muuse Biixi.
"Wasiirradan halkan fadhiya ninna caaqil iyo odayaal iima keenin," Madaxwayne Biixi
Hargeisa- Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u furay golihiisa wasiirada kulan hawleed afar maalmood ah.