Lama yaqaan qiyaasta uu haysto booliisku iyo sharcigu u baneeyey toona.
Haseyeeshee, baraha bulshada ayay dadku ku muujiyeen cadhadooda.
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa muujiyay sida uu booliisku ugu foogan yahay waxaan shaqadooda ahayn iyo inaanay haboonayn sida ay u la dhaqamyaan ciyaalka.
Lama sheegin cidda soo saartay amarkan.
Booliiska Somaliland oo qasab dad timaha kaga jaraya
Hargeysa- Booliiska Somaliland ayaa ka bilaabay magaalada Hargeysa inay qasab timaha kaga jaraan ragga. Ragga timaha laga jaray oo u badan da'yarta ayaa ah kuwo u xiirtay si aanu jeclaysan Booliisku.