Wasiirka Somaliland ee Debedda, madaxa DP World iyo Ethiopia wasiirkeeda dekedaha ayaa heshiis ku wada galay Dubai.
Lama sheegin sida ay isku waafaqayaan heshiiskan cusub iyo kii uu ansixiyay Baarlamaanka Somaliland.
Dadka shacabka ah ayaa ku kala aragti duwan arinkan.
Sanadkii hore ayaa lagu wareejiyay dekedda Berbera shirkad Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo la yidhaahdo DP World.
Ethiopia oo saami ku yeelatay dekedda Berbera
Hargeisa- Dawladda Ethiopia ayaa la sheegay inu ku yeelatay dekedda Berbera ee ay maamusho shirkad Imaaraati ah saami dhan 19%.