Waasiiru-dawlaha Arimaha Debedda ee dalka Imaaraadka Carabta oo siiyay waraysi BBC-da ayaa sheegay inaan dalkiisu xidhiidh la lahay Somaliland.
Wasiirku wuxuu sheegay inay qalad tahay qaabka ay Somalia uga fal celisay is af garan waaga dalkiisa kala dhexeeya.
Arinka dekedda Berbera waxaay ku dhacday is faham cad oo aan la galnay dawladihii hore ee Somalia, ayuu yidhi anwar Maxamed Qarqaash, wasiiru dalwaha arimaha debedda ee Imaaraadka.
Wuxuu sheegay in Imaaraadku ka shaqaynayo midnimida Soomaalida. Wuxuu ku dooday in gacanta uu Somaliland siiyaa ay tahay uun mid banii adantinimo balse dalkiisu uu ilaalinay midnimada.
Dawladda Imaaraadka ayaa la gashay Somaliland laba heshiis oo ku saabsan dekedda Berbera iyo saldhiga ciidan oo uu ka dhisto Berbera.
Ilaa hada dawladda Jamhuuriyadda Somaliland kama hadal arinkan, balse baraha bulshada ayaa dadku aad ugu falanqaynayaa.
Somaliland "xidhiidh lama lihin," wasiir-udalwaha arimaha debedda ee Imaaraadka
Hargeisa- Somaliland "xidhiidh lama lihin," wasiir-udalwaha arimaha debedda ee Imaaraadka