Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa mudo ku celcelinayay baaq ah in la kala diro xubnaha gudida ee hada jooga oo ay ku eedeeyeen khiyaamo. Gudidu way beenisay eedahaas oo la xidhiidhay doorashadii dhacday 2017.
Wasiirku wuxuu sheegay in Gudidu leedahay mudo xileed oo aanay "suurtagal maaha in iyagoo aan dhammeysan muddadoodii la beddelo.”
Dhinaca kale wuxuu wasiirku dhaliilay hanjabaado uu sheegay in loo gaystay madaxii goob joogayaasha caalamiga ah Dr Micheal Walls. Wuxuu wasiirku sheegay in amaanka muwadiniinta iyo ajnabiga ba ay masuul ka tahay dawladdu.
Gudiga doorashadu way joogayaan, wasiirka warfaafinta
Hargeysa- Wasiirka warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa sheegay inaan la kala dirayn Gudida Doorashooyinka ee Somaliland.