Wasiir Cabdilaaahi Goodax Barre oo ka mid ah gudida baadhista hantida qaranka oo la waydiiyay inay ku jirto Somaliland meelahay ay baadhitaanka ku samaynayaan, ayaa sheegay inay ku jirto.
Gudidu waxaay u xilsaaran tahay inay baadho oo diiwaangeliso hantida dawladeed ee si sharci darro ah loo qaatay.
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku tilmaamay hadalka Somalia gef iyo mid la iska yidhi. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Somaliland madax banaan tahay oo aanay soo faro gelin karin Somalia.
Somaliland oo ka cadhootay baadhitaan ay sheegtay Somalia inay wado
Hargeisa- Dawladda Somaliland ayaa si cadho leh uga jawaabtay hadal uu sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda Somalia oo sheegay inay baadhayaan hanti lagu lunsaday Somaliland.