Barkhad Jaamac Xirsi oo ah af-hayeenka Waddani ayaa ku eedeeyey madaxwaynaha Somaliland inuu dhisanayo guryo halka ay dalkii abaaro iyo dhibaatooyin badani ka jiraan, sida uu hadalka u dhigay.
Buuni wuxuu sheegay in hadal caynkaas ah oo laga sheego madaxwaynaha aanay ahayn mid la aqbali karo. Isaga oo ku sheegay cay iyo af-lagaado aan loo dul qaadan karin.
Muu sheegin wasiir ku xigeen talaabada ay dawladdu qaadi doonto. Wasiirku wuxuu u waramay telefiishanka Eryal.
Af hayeenka Waddani wuxuu ku eedeeyey madaxwaynaha inuu ku mashquulsan yahay dhismaha hanti.
U Dulqaadan Mayno Xisbiga Waddani, wasiir-ku-xigeen Buuni
Hargeisa- Wasiir ku xigeenka qorshaynt ee Somaliland, Xuseen Buuni, ayaa ka jawaabay eedo uga yimi xukuumadda Somaliland.