Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro oo diiday inuu difaaco Ceerigaabo oo qarka u saaran in Khaatumo qabsato

0
Sunday December 15, 2024 - 11:32:28 in Wararkii u danbeeyay
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro oo diiday inuu difaaco Ceerigaabo oo qarka u saaran in Khaatumo qabsato

    Ceerigaabo- Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa soo gaadhay duleedka magaalada Ceerigaabo, deegaanka la yidhaahdo Masagan oo qiyaastii 15 km u jirta Ceerigaabo. Dhinaca kale waxa gudaha magaalada ka dagaalamaya maleeshiyo SSC-Khaatumo ah oo iska caabiday Boo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo- Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa soo gaadhay duleedka magaalada Ceerigaabo, deegaanka la yidhaahdo Masagan oo qiyaastii 15 km u jirta Ceerigaabo. Dhinaca kale waxa gudaha magaalada ka dagaalamaya maleeshiyo SSC-Khaatumo ah oo iska caabiday Booliiska Somaliland.


Maleeshiyadan oo ku hubaysan hub culus oo uu ka mid yahay hoobiyayaal ayaa qaraacday magaalada. Madaxwaynaha cusub ee Somaliland ayaa diiday inuu hawgelliyo ciidanka militeriga. Taas oo sii dhiirigelisay ciidamada SSC-Khaatumo.


Boqolaal shacabka ah ayaa ka qaxaya magaalada.


Lama fahmin sababta uu u diidan yahay madaxwaynuhu in la difaaco Ceerigaabo oo noqon doonta magaaladii labaad ee wayn ee gacanta Somaliland ka baxda, haddii aan la difaacin.



"Boqolkiiba sagaashan ayaannu u codaynay. Waxa uu noogu abaal guday inuu nagu soo daayo maleeshiyooyin hubaysan,” Sahra Cabdi oo ka mid ah dadka magaalada ka qaxay ayaa u sheegtay Somaliland Daily.


"Waxa aanu ku qasbanahay inaanu is difaacno. Dawlad noo maqani ma jirto.” Mid ka mid ah ciidan madani ah oo is abaabulay aya noo sheegay. Magaciisa in la qariyo ayuu naga codsaday.

Wararka Ceerigaabo kala soco Somaliland Daily.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip